Isku xirrada

Malaysia: Daadad Khasaare Ba'an Geystay


Kooxaha bad baadada ee dalka Malaysia ayaa la hirdamaya inay samata bixiyaan kumanaan qof oo ay saameeyeen Daadadka xoogan ee ku fatahay gobolo ka mid ah dalkaasi.

Wararka ka imanaya Malaysia waxay sheegayaan in maalintii sabtidii in ka badan 160,000 oo qof ay ku baro kaceen roobab laxaad leh oo daadad qasaare badan dhaliyay ka gaystay ilaa 8 gobol oo ku yaala dalka Malaysia.

Ra iisal wasaaraha dalkaasi Najib Razak ayaa ka soo noqday fasax uu ku dalxiisayay gobolka Hawaii si uu u hogaamiye kooxaha gurmadka qaranka ee u gurmanaysa dadkaasi ay masiibooyinka daadadku ku habsadeen.

Waxaanu Ra iisal wasaare Razak sabtidii shalay gaadhay mid ka mid ah gobolada uu sida ba an daadku u wax yeelay.

Ra iisal wasaaraha Malaysia ayaa todobaadkii hore ka soo muuqday sawiro uu Madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama la ciyaarayo ciyaarta Golf ka .

XS
SM
MD
LG