Isku xirrada

Sharmaarke: Wax Khilaaf ah ma Dhici doono


RW cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska ayaa sheegay inuu rajaynayo inaan wax khilaaf ah dhexmari doonin isaga iyo madaxweynaha inta ka dhiman wakhtiga dowladda.

Sharmaarke oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda VOA, wuxuu sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo ay dhici karto inay ku jiraan wasiiraddii hore.

Cabdicasiis Xuseen Cismaan ayaa khadka taleefonka ee Muqdisho Ra'iisul-wasaare Sharmaarke ku wareystay. Qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG