Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykan oo laga daawaday Filimkii The Interview


Shirkadda Sony Pictures ayaa bilawday qaybinta filim dood badan dhaliyey oo majaajilo ah oo lagu magcaabo The Interview; maalin uun ka dib markii ay ku dhawaaqeen illaa 200 oo Theatre ama Shaleemo inay baahinayaan filimkan maalinta Christmas-ka, taas oo xalay laga daawaday dalkan Maraykanka.

Filimkan ayaa sidoo kale xilligan laga heli karaa meelo kala duwan oo ay ku jiraan Youtube, Google Play iyo Microsoft Xbox.

Shirkadda Sony ayaa sheegtay inay daruuri tahay in la sii daayo filimkan, gaar ahaan waxay tilmaameen inay arkaan kuwa soo weeraray ganacsigayaga ee doonaya inay hor-istaagaan xoriyadda hadalka.

Shirkadda Sony ayaa baahinta filimkan dib u dhigtay toddobaadkii hore ka dib markii ay diideen shaleemooyin badani inay baahiyaan iyaga oo la kulmay hanjabaado kala duwan.

Filimkan Majaajilada ah ayaa ka hadlaya sheeko la xidhiidha laba weriye oo ay shaqaalaynayso hay’adda sirdoonka Maraykanku si ay u dilaan hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un.

Kuuriyada Woqooyi ayaa cambaaraysay filimkan, sidoo kale koox aan la garanayn ayaa weerar ku soo qaaday computer-ada shirkadda Sony Pictures bilawgii bishan, iyaga oo ka xaday xog muhiima.

Dawladda Maraykanka ayaa ku eedeysay dalka Kuuriyada Woqooyi inuu soo qaaday weerar dhinaca internetka ah taas oo ay beenisay ama diidday Pyongyang.

XS
SM
MD
LG