Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaqaale Xummo Heysata Tagsileyaasha Mareykanka


Shirikad si weyn uga soo shaac baxday suuqyada tagaasida ee Mareykanka oo la yirahdo Uber, oo lagu maalgeliyay malaayiin dollar ayaa ciriiri gelisay tagaasidii caadiga ahaa ee meelo badan oo Mareykanka ka mid ah.

Darawaliinta Tagaasida magaaladan Washington D. C iyo agagaaraheeda ayaa ka mid ah darawaliinta dareemay ciriiriga iyo tartanka xooggan ee suuqa ee ay shirkikadda Uber ku soo kordhisay.

Somali badan ayaa Iyana ka mid ah dadka ajnabiga ah ee ku shaqeysta tagaasida dalkan Mareykanka, oo iyagagu laftigooda haatan sheegaya in shaqadoodii ay ciriiri ku jirto.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa inoo diyaariyay warbixin uu arintan ku eegayo.

Dhageyso Warbixinta Cabashada Tagaasileyda
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:34 0:00

XS
SM
MD
LG