Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka oo Ansixiyay RW Sharmaarke


Ra'iisul wasaare Sharmaarke
Ra'iisul wasaare Sharmaarke

Baarlamaanka Federaalka ee Somalia ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Ra’iisal wasaaraha cusub, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Fadhigii maanta uu yeeshay Baarlamaanku ayuu horyimid Ra’iisalwasaaraha cusub, Mudanayaasha ayaa cod gacan-taag ah u qaaday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inay taageereen R’iisal wasaaraha cusub 218 ka mid ah 224ka mudane ee ku sugnaa golaha.

Ra’iisal wasaare Sharmaarke ayaa khudbad ka jeediyay fadhiga maanta ka hor intaan codka kalsoonida loo qaadin, wuxuuna sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad cusub oo dalka gaarsiisa “Higsiga 2016”.

Midawga Yurub ayaa soo dhaweeyay ansixinta Ra’iisal wasaaraha cusub, waxaanay ku baaqeen in la soo dhiso xukuumad loo dhanyahay oo sal ballaaran isla markaana dadka oo dhan matalaysa si loo kasbado kalsoonida shacabka.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso warbixin ku saabsan fadhigii maanta ee golaha Baarlamaanka:

Dhegayso: Warbixin ku saabsan ansixinta R/W Sharmaarke
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:15 0:00

XS
SM
MD
LG