Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo ka Jawaabaya Weerarka xagga Internetka


Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa wacad ku maray in dalka Maraykanku uu jawaab ka bixinayo weerarkii xagga internetka ee lagu soo qaaday shirkadda Filimada ee Sony taas oo FBI ay ku eedaysay inay ka dambeeysay Kuuriyada Woqooyi.

Madaxweyne Obama ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu jeedinayey khudbadda sannadka dhamaadkiisa uu jeediiyo, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey in shirkadda Sony lafteedu ay khalad samaysay kaas oo ahaa inay joojiso baahinta filim majaajilo ahaa oo khiyaali ahaa, kana hadlayey khaarajin lagu samaynayo hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un, taas oo keentay in dadka weerarka soo qaaday ay ku hanjabaan haddii la sii daayo inay weeraro kale geysanayaan.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu u dhega-nugul yahay walaaca ay qabaan shirkadda Sony hase ahaatee wuxuu yidhi ma nihin bulsho ay qaar ka mida dadka keli-taliyayaasha ahi ay dhulkooda wax ku faaf-reebi karaan. Wuxuuna meesha ka saaray inay jirtaan cid ku wehelinaysay Kuuriyada Woqooyi weerarkan dhinaca Internetka ee lagu soo qaaday dalkiisa.

XS
SM
MD
LG