Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Xirtay 500 oo NGO


Dawladda Kenya ayaa aqoonsigii kala noqotay 500 oo ka mida ururada aan dawliga ahayn ee “NGO” loo yaqaano ee ka hawlgala dalkaasi.

Ururadan qaarkood ayaa lala xiriiryay argagxisada, go’aanka dawladda Kenya ayaa ku soo beegmaya iyada oo dawladdu ay rabto inay sugto ammaanka ka dib markii dalkaasi ay weerarro ka dhacaeen kuwaasi oo ururada xagjirka ah lagu eedeeyay.

Talaabadan ayaa sidoo kale waxaa suurtagal ah in ay sabab u tahay xiriirarka ay urarada qaar la leeyihiin maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee ICC oo dacwado ku haystay madaxweynha Kenya iyo ku xigeenkiisa.

Guddigia dawladda Kenya u qaabilsan isku xidhka hay’adaha aan dawliga ahayn ee NGOyada ayaa ku eedeeyay 15 hay’adood in ay maalgaliyeen falal argagixisanimo iyo faldambiyeedyo kale oo Kenya iyo geeska afrika ka dhacay.

XS
SM
MD
LG