Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cameroon: Xeerka Argagixisada oo Muran Dhaliyey


Ururada Xuquuqda Aadahana iyo Xildhibaannada Mucaaradka ah ee ku jira Golaha Baarlamaanka dalka Cameron ayaa ka soo horjeestay xeer cusub oo qabyo ahaa kaas oo ogolaanaya in dil lagu ciqaabo dadka lagu eedeeyo falalka argagixisada ah.

Xukuumadda ayaa sheegtay inay arrintani gooddin ama cabsi gelin u tahay maleeshiyaadka iskaashiga la leh ururada argagixisada ah sida Boko Haram oo kale, kuwaas oo dhalinyaro ka qoranaya ama cabsi gelinaya bulshooyinka u dhashay dalka Cameron ee deggan xuduudda dalkaasi la wadaago Nigeria.

Xeerkan qabyada ah ee la meel-mariyey toddobaadkii ugu horreeyey bishan December ayaa ogolaanaya in dil lagu fuliyo kuwa lagu helo dembiyada la xidhiidha falalka argagixiso ama lagu helo inay gacansiinayaan kooxaha argagixisada ah.

Xeerkan ayaa dhaleecayn badan loo soo jeediyey oo ay ka mid tahay inuu horseedayo in lagu xadgudbo xuquuqda aadanaha.

Forbi Nchinda oo ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee Social Democratic Front ayaa leh xeerkani waa mid xilli hore laga soo gudbay, taas bedelkeeda dalal badan oo dunida ah ayaaba joojinaya ciqaabta dilka ah.

Ciqaabta deldelaadda ama dilka ayaa hore sharci uga ahayd dalka Cameron, taas oo dadka sharcigu oggolaa in lagu fuliyo ay ku jireen dadka khiyaamada qaran gala ama kuwa wax dila, laakiin may jirin cid ciqaabta dilka lagu fuliyey tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 1997 sida laga soo xigtay hay’adda Amnesty International.

Haddaba waxa walaaca rasmiga ah ku abuuraya mucaaradka dalkaas ayaa ah habka erey bixinta sharcigan cusub, kaas oo ay u arkaan in meelaha lagu fulin karayaa inay aad u ballaadhan tahay, ayna suuro gal tahay in loo isticmaalo mucaaradka ka soo horjeeda Madaxweyna dalkaas Paul Biya oo muddo soddon sano ku dhow dalkaas soo xukumayey.

Warbaahinta dalka Cameron oo mar horeba uu saarnaa culays badani ayaa sidoo kale muujinaya walaaca ay ka qabaan qodobo gaar ah oo xeerkan ku xusan, qodobadaas oo dembi ka dhigaya inay ka waramaan falal argagixiso waxaana qofkii sidaas sameeyaa uu mutaysanayaa xabsi gaadhaya illaa 15 sano. Saxafiyiin badan ayaa bilihii ugu dambeeyey laga mamnuucay inay wararka baahin karaan, iyaga oo xukuumaddu ku eedaysay inay faafiyeen warar xasaasi ah oo dalka ku abuuri kara xasilooni darro.

Xisbiga Talada haya ee CPDM ayaa golaha baarlamaanka oo ka kooban 200 oo xildhibaan ku leh 148 mudane, dhammaan xildhibaannada xisbiga Madaxweyne Biya ayaa xeerkan u codeeyey sidoo kale aqalka sare ee Senateka ee dalkaasi oo ka kooban 100 mudane ayaa 86 ka mid ahi ay ansixiyeen xeerkan. Waxaana xeerkani dhaqan gal noqonayaa marka Madaxweynuhu saxeexo taas oo la filayo maalmaha soo socda.

XS
SM
MD
LG