Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mustaqbalka Qaxootiga Syria


Koox ka kooban 30 urur oo ka mid ah ururada caalamiga ah ee Samafalka ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ka fikiraan dib u dejinta qaxootiga Syria.

Kooxdan ayaa ku baaqday in culayska la saaro ku dhawaad 180 kun oo qaxooti ah oo dhibaataysan.

Baaqan ayaa lagu soo beegay ka hor shir ay soo qaban qaabinayso hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee (UNHCR).

Shirkan oo ka dhacaya magaalada Geneve ee dalka Switzerland ayaa si gaar ah looga hadlayaa dib u dejinta qaxootiga Syria oo kor u dhaafay milyan oo qof.

Ururada samafalka ayaa ku baaqay in dalalka caalamku ay boqolkiiba shan qaabilaan oo deganaansho siiyaan qaxootiga Syria, tiradan ayaa markii hore ahayd boqolkiiba labo.

Ururadan ayaa waxaa ka mid ah Amnesty International, Islamic Relief, Oxfam iyo Save the Children.

Waxaanay si gaar ah ugu baaqeen dalalka Khaliijka iyo Latin America, inay qaabilaan qaxootiga Syria gaar ahaan caruurta iyo haweenka.

Turkey iyo Lebanon ayaa imika waxaa ku nool midkiiba 1.1 million oo qof oo ka mid ah qaxootiga Syria.

Sidoo kale dalka Jordan ayaa waxaa ku nool 620,000 dalka Ciraaqna waxaa ku sugan , 280,000 dalka Masar ayaa waxaa ku nool 140,000 qaxootiga Syria ka mid ah.

XS
SM
MD
LG