Isku xirrada

Faaqidaadda: Weerarada Al-shabab ee Gudaha Kenya


Maliishiyaadka kooxda Al Shabab ee dalka Somalia ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka ku dhawaad 60 qof oo labadii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacay waqooyiga bari ee Kenya.

Weerarkii 1aad ayaa lagu dilay 28 qof oo la socday bas ka tagay Mandheera oo ku sii jeeday magaalada Nairbi, kii labaad ayaa waxaa meel kaawada laga qodo oo ku dhow Mandheera lagu dilay 36 qof.

Barnaamijkeena Faaqidaadda Toddobaadka oo arintaasi ku saabsan waxaa marti ku ah

Proffessor, Afyare Cabdi Cilmi oo wax ka dhigay Jaamacadda Qadar, Nuur Kaafi oo ka tirsan Machadka Dipliomaasiyadda, amaanka iyo Arimaha Sirdoonka ee Jaamacadda Carlington dalka Canada iyo Heikal Kenaddid oo la shaqeeya Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka, waxna ka qora Arimaha Somalia iyo gobolka Geeska Africa.

Barnaamijka oo dhageystiran halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso:

XS
SM
MD
LG