Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW Cabdiweli oo Waayay kalsoonidii Baarlamaanka


Ra'iisul-wasaare Cabdiweli
Ra'iisul-wasaare Cabdiweli

Xukuumadda Ra'iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta la riday kaddib markii ay wayday kalsoonida baarlamaanka.

Codeyn loo qaaday mooshin kalsoonida loogala noqonayay Ra'iisul-wasaaraha, ayaa waxaa taageeray 153 mudane, halka 80 mudane ay diideen, 2 kalena ay ka aamustay.

Codeynta maanta waxaa goob joog ka ahaa 235 mudane.

Codeynta kalsoonida loogala noqday Ra'iisul-wasaaraha ayaa timid kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Ra'iisul-wasaaraha, khilaafkaas oo ka dhashay isku shaandhayn kooban oo uu sameeyay ra'iisul-wasaare Cabdiweli.

XS
SM
MD
LG