Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bannaanbaxyo ka Socda Maraykanka


Golaha deegaanka ee Magaalada New York ayaa shaaca ka qaaday in ay tababar u bilaabayaan booliska magaalada oo tiradoodu ay tahay 20 kun oo askari.

Arrintan ayaa daba socota ka dib guddi xeer beegti ah ay dambi la’aan ku xukumeen askari caddaan ah oo Ceejin ku dilay nin madow ah oo aan hubaysnayn.

Duqa magaalada New York ayaa sheegay in ay muhiim tahay inay boolisku si siman ula dhaqmaan dadka kala midabka duwan.

Mid ka mid ah saraakiisha booliska ee New York oo lagau magacaabo Benjamin Tucker ayaa sheegay inuu jiro kala fogaansho u dhexeeya booliska iyo dadka magaalada ku nool oo lagu qiyaaso in ka badan 8 milyan oo qof.

Tabarkan ayaa booliks New York u dhamaan doona bisha June.

Dadka u doodaa xuquuqda rayidka ee dalka maraykanka ayaa aad u cambaareeyay go’aanka xeer beegtida ee dambiga ku waayay askariga cadaankla aha ee dilay nin madow ah oo aan hubaysanayn.

Dhacdadn ayaaa qayb ka ah dhacdooyin is xigay oo dhawaan ka dhacay maraykanka oo askar boolis ah ay dileen dad madow.

Xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa ugu baaqay madaxda maraykanka inay ka jawaabaan baaqyada isa soo taraya ee lagu codsanayo in lala xisaabtamo ciidamada ammaanka.

Waxaa xusid mudan Magaalada New York ee dhacdadan ay ka dhacday ayaa xaruun u ah Qaramada Midoobay.

XS
SM
MD
LG