Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin: Faafreebka Internetka ee Dunida


Daraasad cusub oo la sameeyey ayaa muujinaysa in xoriyadda dhinaca Internetku inay hoos u dhacday dunida oo dhan sannadkii afraad ee daraasaddan la sameeyo, waxaana taas keenaya inay soo badanayaan dalalka xannibaadaha ku soo rogaya baraha internetka ama faafreebka ku samaynaya.

Koox u dhaqdhaqaaqda Xoriyadda oo lagu magcaabo Freedom House ayaa soo bandhigtay Daraasaddan iyaga oo kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dad badan oo arrimahan loo xidhxidhay, baraha internetka oo la xannibay, iyo culays dawladuhu saareen dhinaca internetka.

Warbixin loogu magac daray Xornimada ku dhex-jirta Shebega ayaa sheegaysa in in ka badan kala badh 65 dawladood oo laga sameeyey daraasaddani inay adkeeyeen siyaasadohooda iyaga oo doonaya inay shaandheeyaan ama ay faafreebaan waxyaabaha lagu soo qoro warbaahinta Internetka, tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 2013.

Qaar ka mida dawladahaas ayaa ballaadhiyey noocyada ama hababka ay ula socdaan warbaahinta onlineka ah, iyo sida ay u ciqaabayaan muwaadiniinta ay u arkaan inay dhaafayaan shuruucda ay u dhigeen warbaahinta internetka.

Koox lagu magcaabo Golaha u dhaqdhaqaaqa Xoriyadda iyo Xuquuqda ayaa ku canaantay in tallaabooyinkaasi ay waxyeello soo gaadhsiinayaan heerka xoriyadda Internetka Dunida.

Daraasaddan ayaa muujisay in heerka Isticmaalka Internetka ee Ruushku ay hoos u dhacaysay shanti sano ee ugu dambaysay. Waxaana arrimaha keenaya ka mida in tan iyo markii uu madaxtinimada dalkaas ku soo noqday Madaxweyne Putin inuu soo saaray shuruuc badan oo xakamaynaysa ama hor istaagaysa waxyaabaha internetka lagu baahiyo.

Dalalka Iran, Syria iyo Shiinaha ayaa ka mida kuwa ugu xun xagga xoriyadda dhinaca Internetka, qaar ka mida dalalkan daraasadda laga sameeyey ayaa qaarkood ay ku raaxaysanayaan gacanta ay ku qabteen dhinaca Internetka waxaana dalalkaas ku jira Burma, Tunisia, Cuba iyo in badan oo ka mida dalka India.

Dadka isticmaala Internetka ee ku nool USA iyo Midawga Yurub ayaa ku naaloonaya xornimada dhinaca internetka ee Caalamka ugu ballaadhan ee dhinaca Internetka, inkasta oo dadka Maraykanka ahi ay waayeen xoogaa Kalsooni ah oo dhinaca Internetka ah sababo la xidhiidha kor-joogtaynta ay sameeyeen laamaha ammaanku.

XS
SM
MD
LG