Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaskii al-Baghdadi oo la Qabtay


Saraakiisha Ammaanka ee dalka Lubnaan ayaa sheegay inay qabteen xaaska iyo ilmo uu dhalay hoggaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar al Baghdadi.

Haweenaydan ayaa 10 maalmood iyada iyo ilmaheeda laga soo qabtay xadka Syria.

Saraakiisha ayaa sheegay in haweenaydaasi iyo ilmaheeda lagu hayay xaruunta wasaaradda gaashaandhiga halkaasi oo su’aalo lagu weydiiyay.

Wargayska SAFIIR ee ka soo baxa dalka Lubnan ayaa qoray in xaaska Abu Bakar al Baqdaadi gacanta lagu dhigay ka dib markii warar dhinaca sirdoonka laga helay ha’iyadaha sirdoonka ee shishiiye .

Al Baqdaadi ayaa hoggaaminayay ururka Daacish tan iyo sanadkii 2010kii, horaantii sanadkan ayuu ku dhawaaqay inuu asaasay Khilaafadii Islaamka .

Maraykanka ayaa ku daray liiska argagxisada waxaana madaxiisa la dul dhigay lacag gaaraysa 10 milyan oo doolar.

XS
SM
MD
LG