Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Mucaaradka Hong Kong oo is Dhiibaya


Saddexda hoggaamiye ee lahaa fikirka dhaqdhaqaaqyada mudaaharaadyada siyaasadeed ee Hong Kong ayaa wada qorshe ay doonayaan inay isku dhiibaan booliska, iyagoo dhanka kalena ku booriyey taageerayaashooda inay dib u gurtaan sabbao amnigooda la xiriira.

Shir jaraa’iid oo ay wadajir u qabteen, Benny Tai, Chan Kin-man,iyo Chu Yiu-ming ayaa waxay ku shaaciyeen inay iska dhiibi doonaan saldhigga dhexe ee booliska maalinta beri ah, saacadduna ay tahay 3:00 galabnimo waqtiga dalka Shiinaha.

Benny Tai waxaa uu sheegay inaaney weli kala caddeyn in boolisku ay xiri doonaan amaba sii deyn doonaan, isaga iyo taageerayaashooda, balse waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin inay aqbalaan natiijo kasta oo ka dhalata dhaqdhaqaaqyada socda.

Waxaa kale oo ugu baaqey boqolaalka qof ee weli ku harsan waddooyinka Hong Kong ee banaanbaxyada dhigaya inay dib u gurtaan, isla markaana isku diyaariyaan halgan muddo dheer qaata oo lagu doonayo in lagu helo isbeddelo dhanka dimoqraadiyadda oo gobolkaasi ka dhaqangala.

XS
SM
MD
LG