Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saamaynta Ruushka iyo EU ee Dalka Moldova


Natiijada doorasho baarlamaan oo ka dhacday Moldova ayaa muujinaysa inay hoggaanka hayaan Xisbiyada doonaya inay xidhiidh dhow la yeeshaan Yurub iyada oo xisbiyo kalena ay doonayaan in xidhiidh qoto dheer lala sameeyo dalka Russia.

Ku dhowaad 85% codadkii la tiriyey maanta oo Isniina ayaa muujinaya in Xisbiyada taageersan in dalkaasi xidhiidh dhow la yeesho Qaaradda Yurub inay haystaan 44% tirada codadka ee golaha baarlamaanka dalkaasi oo tiradiisu gaadhayso 101 Xubnood.

Xisbiga Socialist Party oo doonaya in Moldova ay gacan saar la yeelato Russia ayaa isagu xilligan haysta illaa 21%, laakiin marka lagu daro xisbiyada kale ee la fikirka ah ee taageersan in dalka Ruushka gacansaar lala yeesho ayaa codadka ka haysta illaa 39%.

Dalka Moldova ayaa heshiis taariikhi ah la galay midawga Yurub bilawgii Sannadkan, inkasta oo ay la kulmeen mucaaradad xooggan oo uga imanaysa dhinaca Ruushka.

XS
SM
MD
LG