Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir Madaxeedka Bariga Afrika oo Baaqdey


Shir madaxeedkii 16aad ee madaxda waddamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Bariga Africa ee EAC oo la filayey inuu maanta ka dhaco magaalada Nairobi ayaa si lama filaan ah dib loogu dhigey . shirkan ayaa la filayay in lagu lafaguro arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin qorshaha midowga siyaasadeed ee dalalka xubnaha ka ah ururka, iyo balaarinta iskaashiga dhaqaale. Shanta dal ee ku jira ururka EAC ayaa dhanka kale la rumeysan yahay inuu madmadow ku jiro xiriirkooda. Daud Aweis ayaa warbixintan inooga diyaariyey.

Xoghaynta shirka iyo dowladda Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqey dib u dhigista kulan madaxeedkan oo qabanqaabadiisa in muddo ay soo socotey, iyadoo weliba guddiyadii shirka ay si caadi ah hawlahooda u socdeen, isla markaana Madaxweyne ku Xigeenka Kenya uu furey shir ku saabsan dhinaca kaabeyaasha dhaqaalaha ee waddamada ku jira urur goboleedka Bariga Afrika ee EAC.

Ma jirto sabab cad oo la shaaciyey oo ku saabsan dib u dhigista kulankan, iyadoo welibana aaney jirin taariikh kale oo loo qabtey qabsoomidda kulankan 16aad ee madaxda ururka iyo shirka 3aad ee kaabeyaasha dhaqaale ee EAC.

Hase yeeshee waxaa jira ifafaaleyaal muujinaya inuu madmadow ku jiro xiriirka waddamada ururka ku jira.

Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya William Ruto mar uu ka hadlayey kulanka heerka wasiir ee EAC ayaa ku booriyey dalalka ururka ku jira ee Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi iyo Tanzania inay dhinca iska dhigaan khilaafaadyada yar yar iyo siyaasadaha aan muhimadda lahayn ee dhaawacaya horumarka iyo iskaashiga gobolka.

Inkastoo uusan faahfaahin badan bixin ayaa hadana waxaa xusid mudan in sannadkii la soo dhaafey ay dalalka Rwanda, Uganda iyo Kenya si gaar ah u sameysteen iskaashi dhaqaale oo ka madaxbanaan kan guud ee EAC talaabadaasina ay ka careysiisey Madaxweynaha Tanzania Jakaya Kikwete oo arintaasi ku tilmaamey inay ahayd xadgudub ka dhan ah dalkiisa iyo xeerka ururka EAC.

Dhanka kale waxaa xiriirkooda aanu fiicneyn dalalka Rwanda iyo Tanzania, markii labada dal ay isku khilaafeen mowqifka Tanzania oo ku baaqayey in Rwanda ay wadahadal la furto xoogagga ku kacsan ee Inter Hamwe oo loo tirinayo inay mas’uul ka ahaayeen xasuuqii ka dhacay Rwanda dhowaan.

Uganda ayaa iyana dhinaceeda ka careysan talaabo dhowaan ay qaadeen mas’uuliyiinta waaxda canshuuraha ee Kenya, kuwaas oo khidmado lacageed aad u sareeya ku soo rogey badeecadaha ganacsatada Uganda uga soo degta dekedda Mombasa.

Ganacsatada Uganda ayaa ku hanjabey inay u wareegi doonaan dekedda Daressalaam ee Tanzania, haddii aaney Kenya ka noqon khidmadaha cusub ee ay soo rogtey.

Kenya ayaa iyana dhinaceeda waxay saluugsan tahay talaabo Tanzania ay ku dhisaneyso deked kale oo cusub oo laga hirgelinayo magaalada xeebta ku taalla ee Bagamoyo, waxaana dekeadaasi maalgelineysa Shiinaha. Kenya waxay dhismaha dekeddaasi u aragtaa mid khatar ku ah mashruuceeda weyn ee LAMU ee isugu jira deked, khad tareen iyo kaabeyaal kale oo dhaqaale oo gobolka muhiim u ah.

XS
SM
MD
LG