Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka oo Talaadada Kulmaya


Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee maanta soo saaray go’aan uu ku shaacinayo xiliga ay dib u bilaabanayaan kulammadii Baarlamaanka ee uu dhowaan Guddoonku hakiyey.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska guddoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in Baarlamaanka federaalka ah uu garwaaqsaday in la gaaray jawi xasiloon oo dib loogu bilaabi karo kulamada baarlamaanka .

Warsaxaafadeedka ayaa shaaca ka qaaday in maalinta Talaadada ee soo socota oo ay taariiqdu tahay 2da bisha Diseembar la qaban doono kulanka gudagalka mooshinka kalsooni-kala-noqoshada Xukuumadda R/wasaare Cabdi wali Sh Axmed.

Guddoonka baarlamaanka ayaa warasaxaafadeedkiisa ku xusay in maalinta sabtida ah ee ay taariiqdu tahay 6da Diiseembar la soo gabagabayn doono ka doodistu iyo cod-u- qaadista mooshinka .

Hadaba wareysi aan la yeelanay Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibrahim Ugaas Cali oo ka mid ah xildhibaanaddii ka soo horjeeday Mooshinka Ra'isul Wasaaraha ka dhanka ah, ee dhawaan la kulmay madaxweynaha halka hoose ka dhageyso:

Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Bishaar Ugaas
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:11 0:00

XS
SM
MD
LG