Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK: Soomaali Xabsi Lagu Xukumay


Soomaali , Bristol
Soomaali , Bristol

Maxkamad ku taalla magaalada Bristol ee dalka UK ayaa maanta 2 ilaa 11 sanno oo xabsi ku xukuntay 7 dhalinyaro Soomaali ah kuwaasi oo lagu helay inay ku luglahaa danbiyo kufsi afar gabdhood British ah.

Gabdhaha la kufsaday waxay da'doodu u dhaxeysaa 13 ilaa 17 jir, waxaana ku jirta gabar 13 jir ah oo afar jeer ay saddex ka mid ah raggan ku kufsadeen hotel ku yaalla magaalada Bristol.

Saciid Sakariye oo 22 jir waxaa lagu xukumay 11 sanno oo xabsi ah, Maxamed Jimcaale oo 24 jir ah waxaa lagu xukumay 10 sanno oo xabsi ah, Yusuf Cabdirisaak oo 20 jir ah waxaa lagu xukumay 7 sanno iyo bar xabsi ah, Sakariye Sheekh oo 21 jir ah iyo Cabdirisaak Cabdillaahi oo 21 jir ah waxaaa lagu xukumay 4 sanno oo xabsi ah, halka Cumar Jimcaale oo 20 sanno jir ah iyo Maxamed Dahir oo 22 jir ah lagu kala xukumay 2 sanno oo xabsi ah.

Maxkamaddan ayaa la sheegayaa inay bishii July xukun xabsi ah ku ridday rag kale oo Soomaali ah oo kuwa maanta la xukumay ay isku koox ka wada tirsanayeen kuwaasoo iyaguna lagu helay inay ku lug lahaayeen kufsi iyo ka ganacsiga jirka gabdhaha.

XS
SM
MD
LG