Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay Magaalada Kabul


A British security official (R) escorts a survivor from the wreckage of a British embassy vehicle after a suicide attack in Kabul, November 27, 2014.
A British security official (R) escorts a survivor from the wreckage of a British embassy vehicle after a suicide attack in Kabul, November 27, 2014.

Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay baabuur ay leedahay safaaradda Britain ee magaalada Kabul, waxaana weerarkaasi ku dhintay 5 qof oo uu ku jiro qof u dhashay Britain.

Hadal qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ayay ku sheegtay in weerarka ay ku dhaawacmeen 33 qof oo kale oo dhamaantood ahaa dad u dhashay Afghanistan.

Safaaradda Britishka ayaa xaqiijisay inay jireen dhaawacyo soo gaaray dadkii saarnaa gaarigaasi, laakiin ma aanay bixinin wax tafaasiil ah oo intaa dhaafsiisan.

Ururuka Taliban ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan, oo ay sheegeen inay ku bartilmaameedsadeen ciidamada ajanabiga ah ee dalka xoogga ku soo galay. Taliban ayaa sheegatay in weerarkaasi ay dad badan ku dileen kuna dhaawaceen.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu danbeeyyay ee weerarro xiriir ah oo ururka Taliban uu ka fuliyay magaalada Kabul, iyadoo ciidamada ajanabiga ah ee dalkaasi ku sugan ay isku diyaarinayaan inay dalkaasi ka baxaan.

Laba askari oo Maraykan ah ayaa ku dhintay weerar bambaano oo bilowgii toddobaadkan ka dhacay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan.

XS
SM
MD
LG