Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbaxyo Weli ka Socda Magaalada Ferguson


Dad dibadbaxaya ayaa maalintii saddexdaas sii wada banaanbaxooda, iyaga oo ka gadoodsan go’aanka xeerbeegti Maraykanka ah oo diiday in dambi lagu soo oogo sarkaal booliiska ka tirsan oo caddaan ah, kaas oo dilay nin da’ yar oo madow. Dilka ayaa ka dhacay magaalada Ferguson ee gobolka Missouri ee bartamaha Maraykanka.

Boqolaal qof ayaa Arbacadii shalay ku hor dibadbaxay dhismaha dawladda hoose ee magaalada St. Louis, iyaga oo ku dhawaaqayey “Ceeb, Ceeb.” Booliiska ayaa xiray saddex qof markii ay diideen inay kala tagaan, kuwaas oo midkood lagu eedeeyey inay xadgudub dagaal sameeyey.

Bishii August ayey ahayd markii sarkaal caddaan ah oo lagu magacaabo Darren Wilson uu toogtay wiil madow oo 18 jir ah oo lagu magacaabo Michael Brown.

Dadkii dibadabaxyada Arbacadii shalay ayaa gaaray 58 qof, iyada oo talaadadiina la qabtay 13 qof.

XS
SM
MD
LG