Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Djibouti


Wasaradda Arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa uga digtay muwaadiniinta dalka Mareyka u dhashay inay u socdaalaan dalka Djibouti, sababo la xiriira halis laga yaabo in dhinaca argagixisada ay uga timaado.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu faray muwaadiniinta Mareykanka inay qiimeyn ku sameeyaan amaankooda shaqsiyadeed, iyagoo ka shidaal qaadnaya halista muuqata oo kaga iman karta argagixisada.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay heleyso warar isdaba joog ah oo la xiriira halis dhinaca aragagisada ah oo ku wajahan danaha reer galbeedka iyo kuwa Mareykanka ee Djibouti.

Bishii May 24keedii ayaa laba qarax oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen Makhaayad ku taala dalka Djibouti hal qof ayana ku dhintay.

XS
SM
MD
LG