Isku xirrada

War Deg-Deg ah

R/Wasaaraha iyo Guddoonka Baarlamaanka oo Ka Hadlay Mooshinka


Ra'iisul-wasaare Cabdiweli
Ra'iisul-wasaare Cabdiweli

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mooshin uu ku tilmaamay "sharcidarro" laga soo abaabulay xafiiska Madaxweynaha.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mooshinkaasi uu kala qaybiyey xubnaha baarlamaanka isla markaana uu caqabad ku noqday geeddi-socodka hiigsiga sannadka 2016-ka.

Hadalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka dambeeyey markii maanta Golaha Baarlamaanka Soomaaliya uu fadhigii uu yeeshay lagu qaybiyey mooshin ku saabsan xil ka qaadista ra’iisal wasaaraha, hase ahaatee mar kale buuq ayaa hadheeyey, waxaan dhacday in xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinkaasi inay jeexjeexeen markii Waraaqaha Mooshinka loo qaybiyey.

Xildhibaannada diiddan Mooshinka ayaa ku dooday inaan la marin habkii sharciga ahaa ee ay ahayd in mooshinada golaha loo qaybiyo, sidoo kale waxay ku tilmaameen inaanu sharciga waafaqayn mooshin la keenay ka hor inta aan la ansixinin Ajandaha golaha.

Guddoonka Baarlamaanka Somalia ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay nidaam-darrada iyo buuqa hadheeyey golaha, waxaana warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in Guddoonka Baarlamaanku marar kala duwan isku dayey in khilaafka kala irdheeyey xildhibaannada lagu xalliyo hannaan isfaham isla markaana la abuuro guddiyo labada dhinac ah oo arrintan ka wada hadla hase ahaatee arrintaasi ay suuro geli wayday.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay guddoonka golaha baarlamaanka ayaa lagu sheegay in in mooshinka la yaalla Guddoonka aan la guda-geli karin ajendaha ilaa iyo inta xal looga helayo xasilooni darrada iyo nidaam-darrada baaxadda weyn, sida hadalka loo qoray.

Xafiiska Madaxweynaha ayaan weli ka jawaabin eedaha ka yimid dhinaca Ra'iisul Wasaaraha iyo weliba war saxaafadeedka Guddoonka Baarlamaanka.

Hoos ka dhagayso warbixinaha muranka siyaasadeed.

Muranka Siyaasadda
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:14:46 0:00


XS
SM
MD
LG