Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka oo Saakay Mooshin u Balansan


Mooshinka ay dhawaan soo gudbiyeen xubno ka tirsan baarlamaankanka Soomaaliya, oo codka kalsoonida loogu qaadi lahaa xukuumadda Ra'iisulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa saakay mar kale la filayaa in la hor geeyo xubnaha Baarlamanka.

Nuqulada moshinka ayaa qorshuhu yahay in loo qeybiyo mudanayaasha si ey u soo aqriyaan.

Dhaq dhaqaaqa la xiriira moshinkan oo ay wadeen xubnaha golaha baarlamanka ayaa xalay oo dhan laga dareemayay hotelada magaalada Muqdisho iyo xarumaha dowladda.

Fadhi dhawaan uu baarlamanka ka yeelan lahaa mooshinkan ayaa buuq ku dhamaaday, iyadoo xildhibaanada mooshinkan ka soo horjeeda ay diideen in mooshinka uu fursad u helo in baarlamanka dhexdiisa laga oogo.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa aad ugu kala qeybsan Mooshinka.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo badan la geeyay meelaha ku dhaw dhaw dhismaha baarlamaanka.

Arrintan ayaa salka ku haysa khilaaf muddo ka dhex jiray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dalalka Deeqda bixiyaya iyo bulshada caalamka ayaa horey uga digay in tani ay Soomaaliya ku hogaamin karto qalalaase iyo daganaansho la'aan siyaasadeed oo hor leh.

XS
SM
MD
LG