Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo 28 Qof ku Dishay Mandhera


Dabley hubeysan oo ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa meel u dhow magaalada Mandera, waxay ku dileen 28 qof oo rakaab ah oo ay kala dageen baabuur bus ah oo ay saarnaayeen.

Booliska Kenya ayaa sheegay in dableydu ay afduubteen baabuurka buska ah oo u socday magaalada Nairobi, kaddibna ay rakaabkii saarnaa bus-kaasi oo 60 dhamaa ay dadka aan Muslimiiinta ahayn gooni ugala baxeen kaddibna madaxa ka toogteen.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan. War-saxaafadeed uu ururku soo saray ayaa lagu sheegay in weerarkan loogu aar-gudayo dhibaatada ay booliska Kenya ku hayaan muslimiinta Mombasa iyo Soomaaliya.

Dhageyso Warbixin iyo Wareysi weerarkaasi ku saabsan:

Dhageyso warbixin iyo wareysi ku saabsan weerarka
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:26 0:00

XS
SM
MD
LG