Afhayeenka Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in mar kale maalinta Isniinta barlamaanka la horgeyn doono mooshinka ka dhanka RW Cabdiweli, wuxuuna ku hanjabay in ciddii hos-istaagta talaabo laga qaadi doono.
Jawaari ayaa laba jeer baarlamaanka hor-geeyay mooshinka ka dhanka ah RW, balse waxaa hor-istaagay xildhibaannada taageersan RW Cabdiweli, oo iyagu sharci darro ku tilmaamay mooshinkaas.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa qaba in marka hore, xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra'iisul-wasaaraha, kahor inta aan mooshinka baarlamaanka la horgeyn.