Isku xirrada

War Deg-Deg ah

N. Kay oo ka Hadlay Xiisadda Somaliland


Nicholas Kay
Nicholas Kay

War kasoo baxay xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in Ergeyga Gaarka ee XGQM ee arrimaha Somalia, Nickolas Kay uu aad uga welwelsan yahay gacan ka hadalka Sabtidii shalay ahayd ka dhacay gudaha baarlamaanka Somaliland. Warka ayaa xusay in ay jiraan xubno ka mid ah baarlamaanka oo la xirxiray, gacan ka hadalkii dhacayna, sida hadalka QM lagu sheegay, uu keenay in xildhibaaanada qaarkood uu dhaawac soo gaaro.

Ergeya Gaarka ah Nickolas Kay oo warbixinta lagu soo xigtay ayaa sheegay in “Somaliland ay horumar dhinaca doorashooyin dimoqraadi ah sameynaysay, gacan ka hadalkuna uu horumarkaas dib u dhigi karo.” Nickolas Kay ayaa intaas ku daray “Dhamaan dhinacyada waxaan ugu yeerayaa in ay si xakameeyaan, hanaanka Dimqoraadiga ahna si buuxda loo ixtiraamo.”

XS
SM
MD
LG