Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bandhig Faneedka Minneapolis


Kooxda Durdur Minnesota
Kooxda Durdur Minnesota

Bandhig faneed ay iska kaashadeen Jaamacadda Augsburg College ee magaalada Minneapolis iyo Xarunta Dhaqanka ee Cedar Cultural Cenrer, looguna magac daray Midnimo, ayaa waxaa lagu qabtay Jaamacadda iyo qaar ka mid ah dugsiyada Waxbarashada ee ku yaalla nawaaxiga xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Cedar Rverside, magaalda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Bandhig Faneedkan oo soconayey muddo todobaad ah, ujeedadiisuna aheyd in dadka Mareykanka ah ee ay Soomaalidu dariska la tahay loogu soo bandhigo dhaqanka Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo fanka iyo Suugaanta, ayaa Kooxda Dur-Dur Band oo ka mid aheyd kooxaha ugu caansan Soomaaliya waxay bandhig faneedkan ka qaaday heeso ay si toos ah u tumayaan muusikiistayaasha kooxdu.

Sidoo kale waxa ay kooxdu heeso u qaadday jaaliyadda Soomaaliyeed oo xiiso u qabay inay Minnesota ku dawadaan DurDur oo heeseysa.

Warbixintan oo Maxamuud Mascadde uu ka soo diray magaalada Minneapolis xagga hoose ka dhegeyso:

Warbixin Bandhig Faneedka Minneapolis
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:37 0:00

XS
SM
MD
LG