Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qorshaha Obama ee Xeerka Socdaalka


Magaalada Washington waxaa laga cabsi qabaa inuu ka bilowdo loolan adag oo siyaasadeed oo la xiriira wararka sheegaya in Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uu qorsheynayo inuu soo saaro xeer dhanka socdaalka ah oo caawin doona ilaa 5 milyan oo muhaajiriin aan haysan waraaqaha sharciga, kuwaas oo hadii madaxweynaha talaabada uu qaadayo ay dhaqangasho ka badbaadi doona in la masaafuriyo.

Saraakiil qorshahan si weyn ula socda ayaa sheegay in Madaxweynaha oo adeegsanaya awoodihiisa fulinta laga yaabo inuu go’aankaasi ku dhawaaqo horaanta toddobaadka soo socda, amaba laga yaabo inuu sugo ilaa bisha dambe marka aqalka congress-ka uu ansixiyo miisaaniyadda.

Goor walba oo talaabadan la qaado, ayaa waxaa hubaal ah inay ka careysiin doonto xisbiga Jamhuuriga, oo durba diyaarinayaa qaabkii ay uga hortagi lahaayaan talaabadan..

Afhayeenka Aqalka hoose ee Congresska John Boehner ayaa sheegay in xubnaha aqalka wakiilada ay madaxweynaha la geli doonaan dagaal siyaasadeed aad u adag.

XS
SM
MD
LG