Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hay'ado Tijaabinaya Dawada Ebola


Hay’adda caalamiga ee dhanka caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan Xuduudda lahayn Doctors Without Borders ayaa ka fureysa Galbeedka Afrika xarumo lagu tijaabinayo waxtarka uu leeyahay saddex dawo oo cusub oo la doonayo in lagu daweeyo xanuunka Ebola.

Hay’adda ayaa maanta shaacisey inay rajeyneyso in tijaabooyinkaasi la bilaabo bisha soo socota, isla markaana nariijada ugu horeysa ay soo bixi doonto bisha February.

Saddex hay’adood oo kale ayaa hay’adda Doctors Without Borders kala kaashanaya fulinta tijaabooyin kale oo gaar ah, oo laba ka mid ah ay yihiin dawooyinka joojinta faafitaanka viruska.

Machadka Qaranka ee Caafimaadka iyo Cilmi Baarista Caafimaadka ayaa xarunta daweynta cudurka Ebola ee dalka Guinea ku tijaabin doona dawo la yiraahdo favipiravir. Jaamacadda Oxford ayaa iyana dhankeeda tijaabin doonta dawo la yiraahdo brincidofovir, balse lama shaacin halka tijaabada ay ka dhici doonto.

Dhanka kale Machadka Antwerp ee Dawoyinka dhulka Kuleylaha ayaa tijaabin doona sida uu noqdo xaalka bukaanka qaba Ebola marka lagu shubo dhiig ka kooban ungyada difaaca oo laga soo shubey dadkii uu horey ugu dhacey xanuunka eek a bogsadey.

XS
SM
MD
LG