Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wada dadaal uu ku doonayo inuu xal ugu helo khilaafka madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo RW-e Cabdiwali Sheekh Axmed. Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo labadiisa kuxigeen ayaa kulamo gooni-gooni ah la lahaa xildhibaannada mooshinka RW ka keenay iyo diidan.
Haddaba Maxamed Cabdi Sandhere ayaa inoo haya warbixin ka hadlaysa waxyaabihii Guddoonku uu kala kulmay xildhibaanadii uu la kulmay.