Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mooshin ka Dhan ah RW oo Baarlamaanka loo Gudbiyay


Ra'iisul-wasaare Cabdiweli
Ra'iisul-wasaare Cabdiweli

Mooshin ka dhanka ah Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta loo gudbiyay baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan C/naasir Gaarane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in 140 xildhibaan ay saxiixeen mooshinka kalsoonidda looga noqonayo ra'iisul-wasaaraha.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sida uu sharcigu dhigayo waxaa laga filayaa inay mooshinkan hor-keenaan baarlamaanka si cod loogu qaadayo.

Xidlhibaannadan ayaa taageersan madaxweynaha Soomaaliya oo khilaaf weyn uu kala dhaxeeyo Ra'iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh.

Mooshinkan ayaa muujiyana in khilaafka labada mas'uul u dhaxeeya la xalin waayay, isla markaana la filayo in baarlamaanku uu kala saaro.

Dhegayso: Waraysiyo ku saabsan Mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:28 0:00

XS
SM
MD
LG