Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaad: Guusha Jamhuuriga ee Doorashada USA


Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay aqalka Senate-ka Maraykanka kaddib markii uu helay kuraasta uu u baahnaa si ay ula wareeggo aqlabiyadda aqalka Senate-ka.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay kuraasta senate-ka ee gobollada South Dakota, West Verginia, Arkansas, Montana, Iowa, Colorado iyo North Colorado.

Mitch McConnell oo dib loo soo doortay gobolka Kentucy, ayaa wuxuu noqonayaa hoggaamiyaha aqalka Senate-ka Maraykanka.

Xisbiga Jamhuuriga oo horey u maamullayay aqalka hoose ee Congress-ka, ayaa wuxuu sidoo kale balaariyay kuraasta uu ku leeyahay aqalkaasi.

Xisbiga Jamhuuriga oo haatan maamulli doona labada aqal, ayaa awood u yeellan doona inay madaxweyne Obama ka hor istaagaan siyaasaddahiisa labada sanno ee uga dhiman xilka madaxtinimada.

Dhinaca Dimuquraadiyiintu waxey guul weyn ka gaareen Gobolka New Hampshire oo ay ku soo baxday Senator Jeanne Shaheen.


Madaxweyne Barack Obama ayaa sheegay in Dimuquraadiyiintu ay wajahayaan tartankii ugu adkaa tan iyo 1958dii, markii Jamhuuriyiinta looga hormaray kuraasta Senateka, xilligaas oo uu Madaxweyne dalkan ka ahaa Eisenhower.

Madaxa laanta af Soomaaliga ee VOA Cabdiraxmaan Yabarow ayaa faaqdidaad ka bixinaya saamaynta guusha Jamhuuriga .

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso.

Dhegayso:Faaqidaad ku saabsan Natiijada Doorashada USA
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:45 0:00

XS
SM
MD
LG