Isku xirrada

Qaraxyo Looga Baqayo Xuska Cashuura


Weerar cusub oo loo adeegsaday baabuur walxaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday dad shiica ah xus diimeed sameynayay magaalada Baqdad, qaraxaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof.

Qaraxan oo dhacay Axadii shalay ayaa lala beegsaday meel teendho ah halkaasoo dadka shiicadaha ee xuska ka qeyb galayay loogu qeybinayay shaah iyo biyo.

Qaraxa waxaa ku dhaawacmay 29 qof oo kale.

Ciraaq ayaa waxaa laga cabsi qabaa in weeraro kale ay ka dhacayaan xilli boqolaal kun oo muslimiinta shiicada ah ay ku qulqulayaan magaalada barakeysan ee Karbala, si ey u oogaan munaasabadda maalinta Cashura.

Maalintan oo sanadkiiba mar ay xusaan dadka shiicada ah oo ku beegan talaadada soo socota, ayaa dunida xusuusineysa markii qarnigii 7aad ay muslimiintii xilligaa u qeybsameen Shiico iyo Suniyiin.

XS
SM
MD
LG