Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyihii hore ee Booliska Somaliya oo Aas Qaran loo sameeyey


Magaalada Muqdisho waxaa gelinkii dambe ee maanta aas qaran loogu sameeyey alla ha u naxariistee S/G MAxamed Sheekh Xasan Ismaaciil Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaliya, kaas oo meydkiisa maanta dalka lagu soo celiyey ka dib markii magaalada Nairobi loogu qaaday baadhis la xidhiidha habka uu u dhintay.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa ka qeyb galay Aas Qaran aaska Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska waxaana masuuliyiinta ka qayb galay hormuud u ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Saraakiisha Ciidamadda dalka, Siyaasiyiin, iyo dadweyne kale ayaa wadajir marxuumka ugu tukaday Salaadda Jannaasada.

XS
SM
MD
LG