Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bangladesh: Hogaamiye Dil lagu Xukumay


Maxkamad gaar ah oo laga sameeyey dalka Bangladesh ayaa xukun dil ah ku ridday hogaamiye sare oo ka tirsanaa ururka Islaamiga ah ee ugu weyn dalkaas, isaga oo lagu eedeeyey inuu dambiyo dagaal galay.

Maxkamadda dambiyada dagaalka ee magaalada Dhaka ayaa Axaddii maanta dambi ku heshay Mir Quasem, dambiyadaas oo la xiriira kuwii la galay xiligii dagaalkii xornimo-doonka ee waddankaasi uu kula jiray dalka Pakistan sanadkii 1971.

Ninkan oo 62 jir, shirkad warbaahineed oo weynna iska leh, ayaa loo malaynayaa inuu yahay maalgaliyaha ugu weyn ee xisbiga Jamaacat Islaami.

Bangladesh ayaa askartii Pakistan iyo dad reer Bangladesh ah oo la shaqeynayey ku eedeysay dhimashada 3 milyan oo qof, xilli lagu jiray dagaal 9 bilood qaatay.

XS
SM
MD
LG