Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo ka Digey Khatar Burundi uga Timaada Alshabab


Mareykanka ayaa uga digey muwaadiniintiisa in ay u socdaalaan dalka Burindi, iyadoo shaqaalaha safaarada Mareykanka ee Burindina lagu amrey in aysan magaalda socon karin xiliga habeenkii.

Wasaarada Arrimaha dibada Mareykanka ayaa uga digtey dhamaan muwaadiniinteeda in ay u socdaalaan dalka Burinti, iyagoo sheegey in ay ka jirto qatar ka iman karta Kooxda Al Shabaaba ee Somalia, oo danbiyo heerkoodu sareeyo ku heysa ka geysan kara qaarada.

Sida lagu sheegey digniintan Al Shabaab ayaa ku hanjabtey in ay weeraro argagixiso ku qaadi doonaan dalka Burundi iyagoo sidoo kalena bartilmaameedsan kara danaha Mareykanka ee dalkaas.

XS
SM
MD
LG