Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo Bilawday Baadhista Xanuunka Ebola


Xukuumadda Somaliland ayaa bilawday inay dadka socotada ah ee tegeya Somaliland ka baadho xanuunka Ebola, Wasaaradda Caafimaadka ayaana sheegtay inay qalabka lagu baadho xumadda iyo weliba qalab kale oo caafimaad oo shaybaadh dheeri ah lagu samayn karo la dhigay goobaha laga soo galo Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglatoosiye ayaa VOA u sheegay inay shaqaale caafimaad oo baadhista xanuunka Ebola ka qayb qaata ay geyn doonaan illaa 53 goobood oo laga soo galo Somaliland, waxaana Wasiirku sheegay in tallaabadii ugu horraysay laga bilaabay maanta oo Salaasa ah garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa iyo weliba Magaalada Xuduudda ku taalla ee Wajaale.

​Labadan goobood ayaa ka mid ah kuwa dadka socotada ah ee ugu badani ka soo galaan Somaliland gaar ahaan dhinaca Cirka iyo weliba xuduuda ay la wadaagto dalka Ethiopia.

Xaggan hoose ka dhegeyso Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xagla-toosiye oo u waramay Weriyaha VOA C.xakiin MAxamuud Shirwac.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:41 0:00

XS
SM
MD
LG