Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Midawga Yurub oo Taageeraya Somalia iyo G/Africa


Somali President/ Ashton
Somali President/ Ashton

Midowga Yurub ayaa sheegay inuu taageero u fidinayo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika iyada oo lagu caawinayo €3 Bilyan oo lacagta Euroga ah ilaa 2020ka.

Warasaxaafadeed ka soo baxay xafiiska maidawga yurub u qaabilsan xiriirka caalamiga ah ayaa lagu sheegay in dhawaaqan taageeradu uu ku soo beegmayo ka hor intii aanay booqasho gobolka ku tagin Agaasime Ku-xigeenka Komishanka Yurub ee Agaasimka Hawlaha Horumarinta iyo Iskaashiga, Marcus Cornaro iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika, Alexander Rondos.

Booqashada wafdigan ayaa qayb ka ah hawlgal wadaag ah oo heer caalami ah oo ay ka mid yihiin Hay’adaha Caalimiga ah oo ay ku jriaan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, Madaxwaynaha Kooxda Baanka Aduunka, Jim Yong Kim, Madaxwaynaha Bangiga Horumarinta Islaamka, Axmed Maxamed Cali Al-Madani iyo Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Midowga Afrika, Erastus Mwencha.

Wafdiyadan ayaa warsaxaafadeedku sheegay inay safar ku tagi doonaan dalalka Soomaaliya Itoobiya, Jabuuti, iyo Kenya halkaas oo ay kula kulmi doonaan Madaxwaynayaasha dalwaddahaasi iyo wasiiradooda iyo xubno ka socda Ururada Bulshada si ay uga doodaan caqabadaha iyo iskaashiga mustaqbalka ee gobolka Geeska Afrika.

Taageerada laba-geesoodka ah ee Sanduuqa Midowga Yurub ee 2014-2020 ee dalalka la booqayano inta uu socdo safarku waxay gaadhaysaa

  • Itoobiya €745 Milyan
  • Soomaaliya €286 Milyan
  • Jabuuti €105 Milyan
  • Kenya €435 Milyan

Midowga Yurub sidoo kale wuxuu xidhiidh ganacsi oo dhow la leeyahay dalalka Geeska. Sanadkii 2013kii guud ahaan alaabada laga soo dhoofiyo Yurub waxay gaadhay €4.8 Bilyan halka la soo degto gaadhay €2.3 Bilyan.

Midowga Yurub wuxuu ku bixiyay in ka badan €1 Bilyan kaalmada bilow-aadantinimada ee Geeska Afrika ilaa iyo sanadkii 2011, Isagoo ka jawaabaya dhibaatada barakaca degdega ah iyo sidoo kale dhibaatooyinka cuntada iyo nafadaqa

XS
SM
MD
LG