Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Samantha Power oo Booqanaysa Galb. Africa


Danjiraha Maryakanka ee Qaramada Midoobay Samantha Power ayaa booqanaysa dalalka xuddunta u ah cudurka Ebolaha, si ay dalalka kale ugu dhiiri galiso inay wax badan qabtaan.

Power ayaa booqanaysa dalalka Guinea, Liberia, iyo Sierra Leone. Sabtidii shalay ayey warfidiyeenada u sheegtay faa’iidada in si soke xaaladda loogu kuur galaa ay ka awood badan tahay waxa ay ugu yeertay “khatar aan ba jirin”

Ms. Power ayaa booqanaysa xarumaha isku xirka cudurka, isla markaana la kulmaysa saraakiisha sarsare ee xukuumadahaas. Waxa kale oo ay la kulmi doontaa khubarada caafimaadka iyo askarta Maraykanka ee goobahaas cudurka kula tacaalaya.

Sabtidii shalay ayaa QM dalka Mali ay u dirtay hal metric ton oo daawada iyo qalabka caafimaadka ah, ka dib markii dalkaasi soo wariyey xaaladdii ugu horeysay ee cudurka. Gabar yar oo labo jir ah, kana timid dalka Guinea ayaa dalka Mali ugu dhimatay cudurka, halkaas ay oo dawo u doonatay.

XS
SM
MD
LG