Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isku-shaandhayn lagu Sameeyay Xukuumadda


Golaha wasiirada
Golaha wasiirada

Ra’iisal wasaaraha Somalia Cabdiweli Sh Axmed ayaa isku shaandheeyay golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah.

Isku-shaandhayntan ayaa wasaaradaha ugu badan ee ay saamaysay waxay kala yihiin wasaaradda cadaaladda iyo wasaaradda arrimaha dibadda iyo wasaaradda maaliyadda. Waxa kale oo isku shaandhayntan ay taabatay wasaarada xanaanada xoolaha , wasaaradda qorshaynta iyo wasaaradda ganacsiga

Isku shaandhayntan ayaa si toos ah u saamaysay laba wasiir , laba wasiirul dawle iyo afar wasiir ku xigeen.

Warsaxaafedeed ka soo baxay xafiisk R’isal wasaaraha ayaa lgu sheegay in sababta keentay isku shaandhayntan ay tahay baahi loo qabo in la dardargaliyo hawlaha golaha wasiiradda , iyo in la abuuro jawi siyaasadeed oo la jaanqaada marxaladda siyaasadeed ee dalku marayo.

Waxaana isku shaandheyntaasi ay tahay sidan hoos ku qoran:-

1-Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Saalim Caliyoow Ibroow

2-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Faarax Sheekh C/qaadir

3-Wasiirudowlaha Wasaaradda Maalliyadda Mudane Burci Maxamed Xamsa

4-Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/laahi Maxamed Nuur

5-Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/raxmaan Cabdi Cismaan

6-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow

7-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mahad Maxamed Salaad

8-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Fahmo Axmed Nuur

XS
SM
MD
LG