Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Syria oo ku Biiraya Dagaalka Kobani


Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Kurdiyiinta Syria iyo dagaalyahanada kooxda la magac baxday ciidamada xurta ah ee Syria ay ku biirayaan difaacista magaalada xadka turkiga iyo Syria ku taala ee Kobani, oo ay maleeshiyada Dowladda Islamiga ah ku heyso weerar.

Recep Tayyip Erdogan, oo ogolaaday in falaagada Syria ay ku sii hakadaan dalkiisa inta aysan ku biirin dagaalka Kobani ayaa sheegay Jimcihii shalay in heshiiska la gaaray uu u ogolaanayo 1300 oo dagaalyanada qunyar socodka ah falaagada Syria uu turkiga siiyo meel uu u maro Magaalada Hareereysan ee Kobani.

Laakiin hogaamiyaha Xisbiga ugu weyn Kurdiyiinta Syria ayaa sheegay in xiriirka noocaasi ah la sameeyay laakiin weli uusan jirin wax heshiis ah oo la gaaray.

XS
SM
MD
LG