Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho lama filaan ah ku tagay magaaloyinka Ceelbuur iyo Beledweyne ee Gobolada Galguduud iyo Hiiraan.
Ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom ayaa bishii Maarso ee sanandkan Al-Shabab ka saaray Ceelbuur.
Madaxweynaha ayaa lugta labaad ee safarkiisa ku tagay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Wasiirka warfaafinta ee dawladda federalka Mustaf Sh Cali Dhuxulow ayaa VOAda uga warramay waxyaabaha uu wafdiga madaxweynuhu kala kulmay booqashadan.