Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Weli ka Socda Kobani


Dagaalyhannada Kurdiyiinta iyo maliishiyaadka ISIS ayaa weli ku dagaalamaya magaalada Kobani ee dalka Syria.

Qiiq ayaa lagu arkayey hawada xadka dhanka Turkiga, iyadoo labada dhinac ay mar kale halkaasi isku herdinayaan. Dagaalkan muddada toddobaadyada socdey ayaa keenay in kaalmo caalami ah loo fidiyo Kurdiyiinta si ay u hakiyaan in maliishiyaadka ISIS ay magaalada qabsadaan.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Syria oo saldhiggiisu yahay Britain ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga uu Mareykanka horkacayo ay weeraro hor leh ku qaadeen Kobani iyagoo beegsanaya kooxda ISIS.

Isniintii Mareykanka waxaa uu hub, rasaas iyo dawooyin diyaarado ugu daadiyey Kurdiyiinta dagaalka kula jirta ISIS.

XS
SM
MD
LG