Isku xirrada

War Deg-Deg ah

In ka Badan 660 Qof oo ku Dhimatay Dagaalka Kobani


Koox la socota arimaha syira ayaa sheegtay in in ka badan 660 qof ay ku dhinteen dagaalka mudada bisha ka badan ka socda magaalada Kobani ee ku taala xuduudda waqooyi ee Syria iyo Turkiga.

Kooxda Fadhigeedu yahay dalka Britain ee la socota xuquuqda Aadanaha iyo xaaladaha Syria, oo soo xiganeysa illo ku suggan gudaha Syria ayaa sheegtay maanta oo Qamiis ah in qiyaastii 380 ka tirsan mintidiinta Daacish lagu dilay dagaalka dagaalka kala dhaxeeya ciidamada Kurdiyiinta ee magaaladaasi- oo sidoo kale loo yaqaan Ceynul Carab Difaacayay.

Sidoo kale dagaalka waxaa ku dhintay 260 ka tirsan askar Kurdiyiinta iyo 17 qof oo rayid ah.

Weerarka ISIS ay ku heysay magaalada oo bilowday bishii aynu soo dhaafnay ee September ayaa ku qasbay kumanaan kun oo qof oo u badan Kurdiyiinta Syria inay ka talaabaan xadka Turkiga iyagoo naftooda la baxsanaya.

Mareykanka iyo dalal dhowr dal oo ay olog yihiin ayaa sii xoojiyay todobaadkan duqeymo ay ku hayaan baraha ay kaga suganyihiin ISIS magaalada Kobani, si ey u taageeraan ciidamada Kurdiyiinta ee magaalada dhulka ka difaacaya.

Dadka qaadaa dhiga arimaha Syria ayaa aaminsan in boqolaal ka mid ah dagaalyahanadda daacish lagu dilay duqeymaha.

Saraakiil military ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday, magaca ololaha ka dhanka ah Daacish Arbacadii aynu soo dhaafnay, iyagoo duqeymaha ka socda Syria iyo Ciraaq ugu magac daray “Inherent Resolve”

XS
SM
MD
LG