Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxa Hong Kong oo Wadahadal ku baaqay


Hoggaamiyaha sare ee Hong Kong ayaa sheegay inuu raadinayo hab loo soo celiyo wadahadaladii u dhexeeyey hoggaanka mudaharaadayaasha dimoqraadiyad doonka ah kuwaas oo iminka foodda la galay toddobaadkii saddexaad.

Shirjaraa’id oo uu maanta qabtay hoggaanka fulinta ee Hong Kong Leung Chun-Ying ayuu ku sheegay inuu ka shaqayn doono sidii loo furi lahaa wadahadalo kuwaas oo qabsoomi doona toddobaadka soo socda.

Leung ayaa hadalkiisa sii raaciyey inuu diyaar u yahay inuu kala hadlo arrimaha doorashooyinka, laakiin aanu si hoose u geli doonin go’aanka dawladda Beijing eek u aaddan xulista murashaxiinta ee doorashada gobolkaas ka dhacaysa sannadkanka 2017.

Xukuumadda ayaa bilawgii bishan isla qaadatay inay wadahadalo la gasho mudahraadayaasha, laakiin dib uga noqotay ka dib markii hoggaamiyayaasha ardaydu ay ku dhawaaqeen inay ballaadhin doonaan mudaraaradada ay wadaan taas oo xukuumaduna u aragto kuwo sharci darro ah.

Saaka oo khamiisa ayaa ciidamada booliska ee Hong Kong ay suntan dadka kaga ilmaysiisa ku buufiyeen mudaraadayaasha kuwaas oo doonayey inay xidhaan waddooyinka yimaadda dhismayaasha xukumadda.

XS
SM
MD
LG