Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Heshiis Dhexmaray Puntland & Dawladda Dhexe


Dawladda Federaalka ee Somalia iyo Dawlad Goboleedka Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ku kala saxeexday heshiis lagu soo afjaray wada shaqayn la’aan iyo khilaaf labada dhinac ka dhex taagnaa

Qodobada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah arrimaha dastuurka gaar ahaan doodda ay Puntland ka qabtay qodobo uu maamulka Puntland ku tilmaamay in la bedalay

Waxaana ka hor akhriyey qodobada la isku afgartay goobta shirka Wasiirka Tacliinta Sare iyo Hiddaha Ducaale Aadan Maxamed

Qodobada kale ee laga xusi karo heshiikan waxaa ka mid ah iyada oo lagu heshiiyay in maamulka loo samayn doono gobolada dhexe lagu koobo Galguduud iyo Koonfurta Mudug, isla markaana waqooyiga Mudug uu qayb ka ahaado Puntland.

Heshiiskan ayaa waxaa saxeexay Ra’isal wasaaraha Somalia Cabdiwali Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas.

Sidoo kale waxaa goob Goob joog ka ahaa Ergayga Xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan Somalia iyo danjiraha Midawga Yurub iyo Safiirka IGAD iyo xubno kale.

Faahfaahinta heshiiskan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: Warbixin ku saabsan heshiiska Puntland iyo Dawladda Federaalka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:34 0:00

XS
SM
MD
LG