Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garoonka JFK oo Dadka laga Baarayo Ebola


US Mideast Israel Palestinians Flights Canceled
US Mideast Israel Palestinians Flights Canceled

Garoonka diyaaradaha JFK ee magaalada New York City ayaa bilaabay baaris ku aadan cudurka Ebola oo lagu sameynayo rakaabka ka imanaya galbeedka Africa.

Shaqaalaha caafimaad ee ka qeyb qaadanaya barnaamijkan ayaa adeegsanaya qalab caafimaad, iyagoo su'aallo weydiinaya dadka ka yimaada galbeedka Africa eeGuinea, Liberia, iyo Sierra Leone iyo dalalka ku dhow dhow.

Baaritaan kuwan la mid ah ayaa laga bilaabayaa garoomada diyaaradaha Newark, New Jersey; Dulles Washington, Chicago iyo Atlanta.

Shantan garoon waxaa adeegsada 90 boqolkiiba rakaabka Mareykanka ka soo gala dalalka uu Ebola ka jiro ee Galbeedka Africa.

WHO waxey sheegtay in ku dhawaad 8,400 oo qof uu ku dhacay viruska la diwaan geliyay ilaa iyo toddoba wadan, in kabadan 4 kunna ay u dhinteen cudurka.

XS
SM
MD
LG