Isku xirrada

Kenyatta oo Hortagay Maxkamadda Adduunka


Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku sugan xaruunta maxkamadda adduunka ee The Hague, October 8, 2014.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku sugan xaruunta maxkamadda adduunka ee The Hague, October 8, 2014.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa noqday madaxweynihii u horeeyay ee isaga oo talada haya soo hor joogsada Maxkamadda Dambiyada Adduunka.

Madaxweyne Kenyatta ayaa maanta oo arbaca hor-yimid Maxkamadda iyada oo loo ballansanaa dhegaysiga dacwadaha loo haysto.

Madaxweynaha Kenya ayaa loo haystaa shan dacwadood oo isugu jira dambiyo ka dhan ah aadamaha iyo in uu gacan ka gaystay rabshadihii la xidhiidhay doorashooyinka ee Kenya ka dhacay 2008.

Mr Kenyatta ayaa sheegay inaanu wax dambi ah galin isla markaana eed la’yahay dacwadaha loo haysto.

Dacwad oogaysaaha ayaa shalay oo Talaada ahayd ka cawday in dawladda Kenya ay hor istaagtay sidii loo heli lahaa waraqo caddayn ah oo muhiim ah.

Laakin xeer ilaaliyaha guud ee Kenya ayaa arrintaasi beeniyay isaga oo sheegay inay xukuumaddu dalaal muujinayso si looga jawaabo baahida dacawd oogayaasha maxkamadda adduunka.

Madaxweyne Kenyatta ayaa si ku meel gaadhka xilkiisii ugu sii wareejiyay ku xigeenkiisa William Ruto.

XS
SM
MD
LG