Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Banaanbaxyada Hong Kong oo Yaraadey


Ardayda banaanbaxyada ka dhigaya Hong Kong ayaa lagu wada inay sii wadaan wadahadalka ay la yeelanayaan dowladda, iyadoo banaabaxyada dimoqraadi-doonka ee gobolkan Shiinaha ku yaalla ay u muuqdaan kuwo sii yaraanaya.

Dhowr boqol oo qof oo qura ayaa haatan ku harey afaafka hore ee xafiisyada dowladda iyo waddooyinka waaweyn, kuwaas oo ka harey kumananaankii qof eek a qeybqaadanayey banaanbaxyadan oo socdey tan iyo aakhirkii bishii la soo dhaafey.

Hoggaamiyeyaasha ardayda iyo saraakiisha dowladda ayaa maalintii Isniinta isku afgartey qorshaha wadahadalka si ay uga doodaan isbeddelada siyaasadeed, walow aan la ogeyn goorta ay bilaaban doonaan wadahadalada rasmiga ah.

Kaaliyaha Xogyahayaha Arrimaha Dastuurka ee Hong Kong Lau Kong-wah ayaa sheegay in horumar kooban la sameeyey, isla markaana ay labada dhinac isku raaceen qaabka wadahadalka ay ku balansan yihiin.

Banaanbaxyadan ayaa noqonayaa kuwii ugu xumaa ee Hong Kong ka dhaca tan iyo markii xukuumadda Beijing ay la wareegtay maamulka gobolkaasi uu Britain horey u gumeysan jirey sannadkii 1997.

XS
SM
MD
LG